Dheefta Caafimaadka Ilkaha ee Dalka Canada Xaashida xaqiiqda

Figure 1. Text version below.

Sharaxaad dheer

Bololka ilkaha waa cudurka ugu badan, laakiinse laga hortagi karo, ee ka midka ah cudurrada ba'an ee ku dhaca carruurta ee dalka Canada iyo kuwa adduunka oo dhan. Cudurrada afka ku dhaca badanaaba waxay ku bilowdaan sannadaha dugsi-horaadka taasi oo ah sababta ay aad muhiim ugu tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ee suuragalka ah loo sameeyo hab-dhaqannada wanaagsan ee nadaafadda afka.

Dowladda Canada waxay hirgelisay Dheefta Caafimaadka Ilkaha ee Dalka Canada, taasi oo loogu talagalay in ay bixiso xoogaa taageero maaliyadeed ah oo ka caawinaysa qoysaska Kanadiyaanka ah in ay helaan daryeelka ilkaha. Markay dheeftan helaan, qoysaska waxay bilaabi karaan in ay wax ka qabtaan qaar ka mid ah daryeelka aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin carruurtooda yaryar intay dowladda sii wado shaqada ay ku sameynayso barnaamijka daryeelka ilkaha dadka Kanadiyaanka ah ee muddada-dheer.

Maxay tahay dheefta?

Dheefta Caafimaadka Ilkaha ee Dalka Canada waxay bixisaa lacag-bixinno dhan ilaa $650 oo la siiyo cunug kastoo xaq u leh oo ay da'diisu ka yar tahay 12 sano jir. Waxaad cunug kasta u codsan kartaa ugu badnaan 2 lacag-bixinno.

  • $650 - haddii dakhliga saafiga ah la iswaafajiyey ee qoyska uu ka yar yahay $70,000
  • $390 - haddii dakhliga saafiga ah la iswaafajiyey ee qoyska uu u dhaxeeyo $70,000 iyo $79,999
  • $260 - haddii dakhliga saafiga ah la iswaafajiyey ee qoyska uu u dhaxeeyo $80,000 iyo $89,999

Dheefta waxaa loo adeegsan karaa daryeel kasta ee ilko ee uu bixiyo xirfadle kasta ee ka shaqeeya caafimaadka ilkaha ee nidaamsan.

Kumaa codsan kara?

Waalidiinta/Mas'uuliyiinta:

  • Haysta cunug ay da'diisu ka yar tahay 12 sano, kaasi oo aan heli karin caymiska daryeelka ilaha ee gaarka loo leeyahay.
  • Dakhligooda saafiga ah ee la iswaafajiyey ee qoyska uu ka yar yahay $90,000 sannad kasta.
  • Soo gudbiyey canshuur-celinta dakhliga ee sannadkii la soo dhaafey—si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo gudbiyo canshuur-celinta, booqo Canada.ca/doing-your-taxes.
  • Qaata Dheefta Cunuga ee Dalka Canada ee loogu talagalay cunug kastoo xaq u leh.
  • Leh ama yeellan doonna kharashaad daryeelka ilkaha ee qofka jeebkiisa uu ka bixiyo oo loogu talagalay cunug kastoo xaq u leh ee si buuxda loogu soo celin/magdhowin oo ah si waafaqsan barnaamij dowladeed kale kale oo ay leedahay dowlad federaal, goboleed ama mid dhuleed.

Goormeed codsan kartaa?

Waalidiinta waxay hadda codsan karaan muddada dheefta labaad si ay ugu caawiso bixinta kharashaadka jeebka laga bixiyo ee loogi talagalay adeegyada daryeelka ilkaha ee uu helo cunuga xaqa u leh inta u dhaxeysa 1-da Luulyo, 2023 ilaa 30-ka Juun, 2024.

Sideed u codsan kartaa?

Barta Akoonkeyga ee Hay'adda Dakhliga Canada (Canada Revenue Agency (CRA) My Account) ayaa noqon doonna habka ugu dhaqsiyaha badan, ugu fudud uguna ammaansan ee loogu talagalay Dheefta Ilkaha ee Dalka Canada. Haddii aadan haysan Akoonkeyga CRA (CRA My Account), waxaad iska diiwaangelin kartaa Canada.ca/my-cra-account ama wac 1-800-715-8836.

Waxaad u baahan doontaa in aad bixiso macluumaadka ku saabsan booqashada daryeelka ilkaha, oo ay ku jiraan magaca bixiyaha(bixiyeyaasha) daryeelka ilkaha ee cunugaaga iyo macluumaadka cidda aad u shaqeyso.

Haddii aad barta internet-ka ka codsato oo aadna isku qorto dhigashada tooska ah ee CRA, waxaad lacag-bixintaada ku heli kartaa shan maalmood oo kuwa shaqada ah gudahooda!

Hay oo meel dhig rasiidyada caafimaadka ilkaha ee cunugaaga muddo lix sano ah waxaa dhici karta in CRA kula soo xiriirto si ay xaq-u-yeelashada u xaqiijiso.

Hubso in aad haysato Lambarkaaga Caymiska Bulshada, cinwaanka, taariikhda dhalashada iyo nuqulka canshuur-celinta dakhligaaga ee sannadkii la soo dhaafey.

Ka waran haddii aanan akhrin ama aanan ku hadlin Af-Ingiriis ama Af-Faransiis?

Barta codsiga waxaa laga heli karaa oo keliya luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo codsiga, waxaad ka codsan kartaa qof aad saaxiibbo tihiin oo ku hadla luuqadda Ingiriiska ama Faransiiska in uu kula fadhiisto marka aad codsiga buuxinayso, ama ha kula joogo marka aad wacayso 1-800-715-8836.

Haddii aadan haysan saaxiib kaa caawin kara hannaanka, hay'adda CRA ayaa qabanqaabin karta in ay dib kuu soo wacdo si ay khadka u soo geliso qof ku hadla luuqadaada.

Booqo Canada.ca/dental si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, ama wac 1-800-715-8836

Page details

Date modified: